Xidhiidhka Shabakada Iyo Bulshada

Naga Soo Wac Skype: Shabakadawararka90 Ama shabakadawararkaboorama@hotmail.com

Shabakada Wararka Boorama Mar-kasta Kala Soco Warar Iyo Barnaamijyo Xiiso Leh

FACEBOOK SHABAKADA LIKE-NA SAAR

Tuesday, March 26, 2013

Articles ::::, Warbixin- Mar Aan Tagay Ber-bera By:- Axmed Muuse Maxmed (sakaaro)

Warbixin :- Mar Aan Tagay Ber-bera By:- Axmed Muuse Maxmed (sakaaro)

Magaalada Berbera oo ay ku taal dekeda Wayn ee Caalamiga ah isla markaana ah  isha koowaad ee dhaqalaha Dalkani Somaliland, ayaa Magaalo la odhan karo waxaa ka muuqda isbedel wayn oo dhinaca dhaqaalaa, wadooyinka iyo waliba dhismayaasha,Hadaba Magaaladaas Berbera oo ay iigu danabaysay in Mudo ah mar aan Booqasho ku tegay waxaa markiiba indhahaygu la kawsadeen wadooyin haadad waawayn leh dhismayaal sii Fidaya iyadoo markii Hore magaalada Berbera  lagu yaqaanay dhismayaal qadiimiya waxaad odhankaraa waxaa ku soo badanaya dhismaal Cusus Iyo Goobo ganacsi,dinaca kale waxaan iyada aan mid mid u tagay sadexda Goobood ee ubucda u ah  Maamul Gobolkaasi,sida Xarunta Maamulka Gobolka,Dawlada Hoose iyo dekadaba.......





waxaanay ahayd Goobtii ugu Horaysay aan Booqdaa  Xarunta Maamulka Gobolka Saaxil Halkaas oo uu ku sugnaa Badhasaabka Gobolka Saaxil Cali maxamed Cali iyadoo xiligaasi ay ahayd maalin Isniin ah oo jadwalka shaqada oo ku dhegsan afaafka Hore Xafiiska Badhasaabka ay ku qorayd in maalintaasi ay tahay maalinta shirarka laamaha dawlada si aan taasi u cadaystona waxaa ii suurtawday inaan gudaha ugalo xafiiska badhasaabka halkaas oo aan kula kulmay badhasaab Cali iyo Xoghayaha Fulinta ee gobolka  isla markaana uu ii sheegay inay hawlaha Gobolku si caadi ah u socdaan waxaan waliba shirkaas isu duwaasha bar bar Socday xalinta Khilaafaad Nabadgelyo dhinaca Tuulooyinka  iyo degaanka Gobolka Saaxil.
Hadii aan u yara baydho Dhinaca Xarunta dawlada Hoose ayaa ahayd meeshii labaad ee  iigu Xigtay Xarunta Gobolka,waxaana ku beegmay xili uu maayarka oo isaguna shaqadiisu ay ahayd mid jadwal leh,waxaana Subaxaasi ay ahayd maalinta dadwayanaha oo shaqada dawlada hoose ay muhiimadeedu ku fadhido,
waxaan xiligaasi xafiiskiisa ku sugnaa Maayarka Magaalada Berbera C/shakuur Maxmud Xasan (Cidin) Halkaas oo ay dadwayne aad u tiro badani ka buuxeen xataa la kuraaastii ay Buux dhaafeen isla markaana ay u  muuqatay Goob shaqadu ka socoto,waxaana xafiiska maayarka ay shaqadiisau u socotay si xawli ah
sidoo kale dekeda Berbera oo ahayd meesha ugu danbaysay ee aan booqday isla markana ah  Halbawlaha kaliya ee ugu Muhiimsan ee magaalada iyo dalkaba ayaa waxa lagu Tilmaami karaa inay iyadu ahayd meesha ugu badan ee uu ka socday dhaqdhaqaaq aad u xawli ah,Xiligaas oo ay ku sugnaayeen Afar Markab oo kuwa Xamuulka qaada ah,xilgaas oo aan la kulmay mar uu maareeyaha dekeda Caalamiga (Berbera Port) Cali Cumar Maxamud (Xoor xoor) kormeer xaga shaqada ah hal hal isugu dul taagayay laamaha dekeda Berberi ay ka Koobantahay,isla markaana si xawli ah u shaqaynayay Xafiisyada ay dekadu ka koobnaayeen ilaa Geelaha iyo waliba  qalabka ay  dekedu ku shaqayso,waxaanu maareeyuhu  ii sheegay sida uu ka dhawaajiyay inay Rajaynayaan inay Balaadhin lagu samaynayo dekeda  kana Filayaan in loo helo maalgalin caalami ah.
Horumarka ugu muhiimsan ee uu qof wal oo muslimi ku farxi karo ee dekeda kamuuqday ayaa isaguna ahaa  Masaajid laba dabaq ha oo si qurxoon loo dhisay,masaajidkaas oo la mid ah Kuwa magaalooyinka wawaynku yaala,kaas oo uu maareeyuhu ii sheegay in xadhiga laga jari doono marka uu  madaxwaynuhu safarka Dubay ka soo noqdo,Masajidkaas oo ay dekadu dhisatay.
Isku soo wada duub oo waxaa Hubaal ah in Magaalada Berberi tahay ta kaliya ee nasiibka u heshay   Maamul dhamays tiran kaasoo Buuxiyay damaan Baahidii maamul ee ay uga baahnayeen dadwaynaha ku dhaqan Gobolka saaxil hadii ay tahay Deked,Gobol iyo dawlad Hooseba. waxaan ku tilmaami karaa inay sadexda laamood ee ugu muhiimsan Gobolka ay si dhamaystiran u shaqaynayeen taas oo igaga Filaatay inaan laamiii ka hooseeyay aan uga sii Gudbo,maadama mudada aan joogayay ay gaabnayd si aan dib ugu soo laabto magaalada Burco oo ahayd meesii aan ka kicitimay.


***************************************************************************************
Shabakada Wararka Boorama Marna Masuul Kama Aha Aragtida Dadka Kale . Qoraaga Ayaa Xumaanteeda , Xushmadeedda Iyo Xilkeedaba Sida . Waxa Keliya Oo Shabakada Wararka Boorama Dhiiri-gelinaysaa , Isdhaafsiga Aragtida , Canaanta Gacaliyo Talo Wadaagga
***************************************************************************************