Xidhiidhka Shabakada Iyo Bulshada

Naga Soo Wac Skype: Shabakadawararka90 Ama shabakadawararkaboorama@hotmail.com

Shabakada Wararka Boorama Mar-kasta Kala Soco Warar Iyo Barnaamijyo Xiiso Leh

FACEBOOK SHABAKADA LIKE-NA SAAR

Thursday, March 21, 2013

Daawo Sawiraddan La Yaabka Leh Ee Dhacdooynka Aduunka Ee Mucjisooyinka Ah Gabadh Reer Sarbiya Ah Oo Aanay Maskaxdeedu Waxba Fahmin Ilaa Ay Maqluubka Wax U Akhrido Mooyee

March 21 , 2013 (Shabakada Wararka Boorama)-Gabadh u dhalatay dalka Serbiya oo lagu magacaabo, Bojana Danilovic, ayaa ka yaabisay dhakhaatiirta iyo dadka baadhitaanada ku sameeya sida maskaxda aadamuhu u shaqayso, kuwaas oo iyaga iyo dadka caadiga ahi ku kala qaybsameen fasiraad u helista,
Xaalada ay ku sugan tahay ama u shaqayso maskaxda gabadhaas, taas oo dhakhaatiirtu dhinacooda ku tilmaameen xaalad naadir iyo dhif ah, halka dadka caadiga ahina ka aaminsan yihiin inay tahay mid mucjiso ama cabqari ah...........................


Gabadhan oo 28-jira ah, waxa ay wax ku fahamtaa marka ay maqluubka u akhrido ee dhinaca sareeya ee qoraalka hoos u rogto, taas oo aan la garan karayn sababta laakiin iyadu kaliya ay sidaa wax ku akhrido, xitaa haddii ay tahay wargeysyada iyo kaambuyuutarada inta waxa ay ku fahmi kartaa, dhamaan qoraalada ku yaala marka ay maqluubka u rogto.
Gabadhan lagu magacaabo, Bojana Danilovic, ayay warbaahinta dalkeedu sheegtay in ay dhamaysatay dugsiyada  hoose, dhexe iyo sare, isla markaana ka baxday, Kuliyada dhaqaalaha ee dalkeeda oo derejo sare ay kaga soo baxday, haddana waxa ay la il daran tahay qoraalka marka uu sida caadiga ah u yaalo, oo ma kala garan karayso, hasa yeeshee marka ay foorariso ayay si fiican u akhriyi karaysaa.
Dhakhaatiirta ayaa xaalada gabadhan ku sheegay inuu yahay xanuun naadir ah oo ku dhaca dadka cabqariyiinta ah ee maskaxdoodu fiican tahay, taas oo ay sheegeen in xaalada Bojana ay is shaabahaan, xaaladihii ay ku sugnaayeen, sanisyahanadii (Leonard Da Vinci) iyo (Thomas Edison.)





Xafiiska Wararka Boorama Ee Somaliland 
Shabakada Wararka Boorama . Com