Xidhiidhka Shabakada Iyo Bulshada

Naga Soo Wac Skype: Shabakadawararka90 Ama shabakadawararkaboorama@hotmail.com

Shabakada Wararka Boorama Mar-kasta Kala Soco Warar Iyo Barnaamijyo Xiiso Leh

FACEBOOK SHABAKADA LIKE-NA SAAR

Thursday, March 21, 2013

Dowladda Mareykanka Oo Shan Milyan Oo Dollar Dul Dhigtay Madaxa Sarwaan Mustafa Iyo Cumar Shafiiq Xamaami


Mar 21,2013(Shabakada Wararka Boorama)-Dowladda Mareykanka ayaa waxay lacago fara badan ay dul dhigtay Sarwaan Mustafa iyo Cumar Shafiiq Xamaami, iyadoo cidii soo sheegta ay Dowladda Mareykanka balan qaaday, inay abaal marin ahaan u siin doonto adduun lacageed oo gaareysa shan milyan oo dollarka Mareykanka ah.
Bayaan ka soo baxay Xafiiska Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Dowladda Mareykanka ah, ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanku uu baadi goob ugu jiro Cumar Shafiiq Xamaami iyo Sarwaan Mustafa.


Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanka uu doonaayo sidii uu gacanta uu ugu soo dhigi lahaa labadaan xubnood, oo dhalasho ahaan ka soo wada jeeda dalweynaha Mareykanka.
Sidoo kale Cumar Shafiiq Xamaami iyo Sarwaan Mustafa ayaa waxaa labaduba la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, loona baahan yahay in xog laga keeno, sida Bayaanka lagu cadeeyay.
Waa markii labaad oo ay Dowladda Mareykanka madaxyadoodu dul dhigto lacago badan Cumar Shafiiq Xamaami iyo Sarwaan Mustafa, mana cadda wax yaabaha uu soo kordhin karaayo dalabaadkaan Cusub.
Tani ayaa waxay ku soo aadeysaa xilli uu khilaafaad darani uu ka dhex aloosan yahay Saraakiisha Ururka Al Shabaab iyo Cumar Shafiiq Xamaami


Xafiiska Wararka Boorama Ee Somaliland 
Shabakada Wararka Boorama . Com