Xidhiidhka Shabakada Iyo Bulshada

Naga Soo Wac Skype: Shabakadawararka90 Ama shabakadawararkaboorama@hotmail.com

Shabakada Wararka Boorama Mar-kasta Kala Soco Warar Iyo Barnaamijyo Xiiso Leh

FACEBOOK SHABAKADA LIKE-NA SAAR

Thursday, March 21, 2013

Shirkada Daabacaada Boodhadhka Iyo Xayaysiinta Ee Sagal Jet Ayaa Markii Ugu Horaysay Xafiis Ka Furtay Maagalada Burco



March 21 , 2013 Burco (Shabkada Wararka Boorama)-Shirkada Daabacaada,Boodhadhka  iyo Xayaysiinta ee SAGAL JET ayaa markii ugu horaysay Xafiis ka Furatay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer,Shirkadan oo ah ta ugu wayn dalka ee dinaca xayaysiinta ayaa waxa maanta Xaflada Xarunteeda magaalada Burco Xadhiga lagaga jarayay lagu qabtay Hotel deero ee magaalada Burco,Xafladan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay waxa ka soo qaybgalay Maamulka Guud ee shirkada Sagal Jet,madaxda Gobolka,Ta degmada,Ganacsatada,shirkadaha waawayn Salaadiin iyo dadwayne tiro badan,waxaana Xafaladaas Ugu Horayn  Ka hadlay  Maamulka Guud ee shirkada.........
SAGAJ JET Cabdi Yuusuf Aar isagoo faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha shirkadu samayso waxa uu yidhi'' shirkad SAGAL JET waa shirkad daabacadeed,waxay daabacdaa Xayaysiinta,Boodadhka iyo Buugaagta,anagu SAGAL JET ahaan waxaanu aayn shirkadii ugu horaysay ee daabacaada casriga a ee dhijitalka ah ka hirgalisa wadanka ,Burco ama Gobolka Togdheer waxaanu wax uga soo daabici jiray Magaalada Hargaysa,waxa



 markii hore dhibaato ka haysatay Gobolada bariga oo dhan gaadhi baa la soo saari jiray hadii uu doono gaadhigaasi wuu iskala maqnaanjiray,baahidaas awgeed ayaa keentay inaanu keeno madbacadii wax lagu daabacayay,oo hada saacadan laga bilaabo ay dhacayso hadii aad iminka wax ka dalbato saacad ka dib in lagu siinayo,waxaanan jecelaay oo balan qaadaynaa inaanu ka qayb qaadano horumarka Gobolka iyo dalkaba,waxan leeyahay dadwaynaha reer Burco iyo Gobolada kale ee sagaag,sool iyo Buhoodle idinkuna waa ina aad ka faa,iidaysataan jaaniska, waayo meeshiinii baanu idiinku keenay,waxana halkan noo jooga wakiilkayagii hore oo ahaa nin muhiima ee  maxed Daahir ayaa iminkana masuul ka ah,dinaca kalena waxay kale ookeenaysa shaqo abuur,hadii sanqof ka shaqo galaan,waxaa kale oo wax yaabaa shirkadu qabato aanu kusoo kordhinay daabacaada Buugaagta abwaano badan baana alkan inal jooga oo markii ore Buugaagta waxaa lagu soo daabici jiray dibadaha.Buugayagii ugu horeeyay waxa uu ahaa Buugii Ibraahin Gadhle,ayuu hadalkiisii kaga baxay maareeyaha shirkada Sagal jet.
Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar X.C/laahi (Xamarji) oohalkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa waxa hadladiisii ka mid ahaa''aad baan ugu faraxsanahay in gobolkaygii ay shirkadan SAGAL JET xafiis ka furato waxaanay kusoo kordhisay horumar,waxaanan dadwaynaha reer Burco guud ahaan Gobolkaba aan u soo jeedinayaa inay shirkadan si wanaagsan uga daabcdaan maadaama halkan laydiinka furay,
waxaan ugu danbayn  shirkada kula dardaarmayaa inay ka feejinnaadaan wixii dhaqankeena suuban iyo diinteena wax u dhimayana aanay daabicin.ayuu yidhi Gudoomiyuhu
Ugu danbayna waxaa halkaas si isku mid ah shirkada SAGAL JET usoo dhaweeyay xafiiskeeda ay magaalada Burco ka furatay' dadkii danaynayay shirkada SAGAL JET Isla markaana xidhiidhka lahaa Kuwaas oo ay ka mid ahayeen,Wakiilada Xisbiyada qaranka,shirkadaha isgaadhsiinta Somtel,Telesom,kuwa laydhka Beder,kaah,Abwaano iyo,waxaanay dhamaantood sheegeen inay ku faraxsan yihiin in magaalada Burco looga Furay shirkadan oo ay markii hore daabacaada ay ugu doonanjireen Magaalada Hargaysa.
Si kastaba ha ahaatee shirkadan sagal jet ayaa markii hore waxa daabacaadeeda loo qabanjiray Magaalada hargaysa,waxaan iminka furashada xafiiskadan magaalada Burco uu wax wayn ka taridoonaa baahiyaad fara Badan oo dhamaan Gobolada bari ee dalka ay markii ore hargaysa wax looga soo daabici jiray. 

Xafiiska Wararka Burco Somaliland      

Wariye :- Axmed Muuse Maxamed ( Sakaaro )

Shabakada Wararka Boorama . Com