Apr 9 , 2013 Hargeysa (Shabakada Wararka Boorama)Toddobaadkii hore Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in wadahadal dhex mari doona iyaga iyo dawlada federaalka Soomaaliya lagu qaban doono wadanka Turkiga badhtamaha bishan April.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar oo dhawaan Shir jaraa’id ku Qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dawlada Turkigu ay u fidisay martiqaad si ay labada dhinac ugu
wadahadlaan wadanka Turkiga taasina ay aqbaleen Somaliland iyo dawlada federaalka intuba.
Wasiirku si faahfaahsan uma sheegin sababaha ka dambeeya in wadahadalka dhexmari doona labada gees loo wareejiyo wadanka Turkiga iyadoo la og yahay in wadahadalkii u bilawday dawladii ku meel gaadhka ahayd ee Soomaaliya iyo Somaliland uu ka dhacay magaalada London ee wadanka Ingiriiska.
Haddaba waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aadan sababaha shirkan loogu wareejiyey wadanka Turkiga iyadoo weliba horraanta bisha May ee sanadkan London uu ka dhici doono shirweyne lagu taageerayo dawlada Soomaaliya kaasoo ay abaabushay dawlada Ingiriiska ee uu hogaamiyo raysul wasaare David Cameron.

Ilo wareed aad ugu dhow dhinacyada ayaa Allcaasimada u sheegay in dawlada Ingiriiska weli ay tahay mida daaha dabadiisa ka riixeysa qabsoomida wadahadalkan dhexmari doona dawlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, isla markaana Ingiriisku uu qorsheynayo in natiijo ay ka soo baxdo kulanka labada dhinac ka hor kulanweynaha London ee dhici doona bil kadib.
Ujeedada ugu weyn ayaa ah in si shirka London uu u noqdo mid wada kulmiya dhammaan Soomaalida oo ay ku jirto Somaliland in ka hor la soo yara dhaweeyo mowqifka ay taagan yihiin si ay u yimaadaan miiska London iyadoo cinwaanka shirkuna yahay “Soomaaliya”.

Somaliland ayaa beryahanba diidanayd ka qeybgalka shirka London ee dhacaya bisha May, Sida uu Ku celceliyey madaxweynaha Soomaliland Axmed Siilaanyo.
Somaliland waxay kaloo ka cabaneysaa in shirka London ay ku diidan tahay maadaama uu Shir Gudoominaayo Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska.
Hindisaha Ingiriiska
Haddaba ka hor martiqaadka shirka Turkiga ayaa waxay dawlada Ingiriiska soo bandhigtay dhowr qodob oo ay u soo bandhigtay dawlada federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen;-
1- Shirka labada dhinac yeelanayaan [Dawlada federaalka iyo Somaliland] in lagu qabto mid ka mid ah wadamada Qadar, Imaaraadka Carabta iyo Turkiga, inay mid doortaan.
2- Dawlada Ingiriiska waxay diiday in wadahadalkan hordhaca u eg in lagu qabto London iyadoo ka cabsi qabta inuu jawiga ka qaso shirka weyn ee London ka dhici doona bisha May.
3- War murtiyeedka gabagabada iyo ajendaha shirka waxaa isla dejinaya Dawlada Federaalka Soomaaliya, Ingiriiska, Somaliland iyadoo Turkiguna wax ku dari doono.
4- Dawlada Ingiriiska waxay dalbatay in shirku uu midhadhal noqdo oo natiijo fiican ka soo baxdo.
Dalabka Somaliland
Kadib cadaadiska kaga imaanaya dhanka Ingiriiska, waxay Somaliland soo bandhigeen dhowr qodob oo ay ka dhigteen shuruud si ay uga qeybgalaan Shirka Lodon ee Soomaaliya iyo kan Turkigaba, waxaana ka mid ahaa;-
1) In dawlada federaalka Soomaaliya aqoonsato dembi ka dhan ah aadanimada in loo geystay dadkeeda (dad Somaliland u dhashay).
2) Wadahadalka in looga hadlo dhinacyada iskaashiga sida amaanka, ganacsiga iyo xuduudaha.
3) Lagama hadlayo gooni isutaaga iyo midnimo IWM midna.
Somaliland waxay Ingiriiska u cadeysay inay diyaar u tahay ka qeybgalka shirka haddii qodobadan la ogolaado. Somaliland ayaa sidoo kale ku talisey in shirka loogu qabto Turkiga.
Dawlada federaalka
Dhanka dawlada federaalka Soomaaliya inkastoo aanay keenin wax shuruudo ah oo ku xidhan wadahadalka ayaa intaa kadib soo bandhigtay talooyin dhinaceeda ah kuwaasoo ay ku jiraan;-
Dawlada federaalka waxay sheegtay inay ku mashquulsan tahay arrimaha Jubbooyinka, sidaasi darteedna Turkiga uu ka wakiil noqon doono ayna u soo gudbin doonaan wixii dhankooda ajendaha loogu darayo.
Labada dhinacba waxaa madal looga dhigay in bisha April 15-keeda uu ka furmi doono wadahadalka dalka Turkiga inta ka horeysana ay soo gudbiyaan wixii talabixin iyo qodobo ah ee ka mid noqon doona ajendaha kulanka Turkiga.”

Xafiiska Wararka BooramaOnline
Hargeysa-Somaliland-Whn

No comments:
Post a Comment