Xidhiidhka Shabakada Iyo Bulshada

Naga Soo Wac Skype: Shabakadawararka90 Ama shabakadawararkaboorama@hotmail.com

Shabakada Wararka Boorama Mar-kasta Kala Soco Warar Iyo Barnaamijyo Xiiso Leh

FACEBOOK SHABAKADA LIKE-NA SAAR

Monday, April 8, 2013

Madaxwayne Siilaanyo Oo Ka Soo Saaray Digreeto Madaxwayne Soo Ururinta Iskaraabka Dalka Yaala Iyo Iibintooda, Sheegayna Markabka Iskaraabka Ah Ee Yaala Lughayana Lagu Dayactiri Doono


Apr 8 , 2013 Hargeysa-(Shabakada Wararka Boorama)   War-saxaafadeedMadaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta soo saaray wareegto madaxweyne oo sumadeeduna tahay JSL/M/WM/222-1694/042013. Wareegtadaas oo ah Soo Ururinta iyo Iibinta Iskaraabka Dalka.
Wareegto Madaxweyne:-Mudaneyaal iyo Marwooyin. Iskaraabka Dalku waxa uu ka mid yahay hantida guud ee Dalka, waxaana mas’uul ka ah Dawladda-dhexe sida ku tilmaaman Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobka 12aad. Dawladda-dhexe ayaa xilka saaran yahay qorshaynta iyo in sida ugu habboon looga  faa’iidaysto Iskaraabka. Haddaba, waxa aan farayaa Wasaaraddaha ay wareegtadani sida tooska ugu socoto inay guddi farsamo u saaraan soo ururinta dhammaan iskaraabka Dalka. Sidoo kale, waxa aan farayaa Guddida Qandaraasyada Qaranka inay qiimeeyaan iskaraabka, mariyaanna nidaamka qandaraasyada Qaranka, isla markaana u bandhigaan suuqa xorta ah (Tartan xor ah iyo qandaraas furan), iyaga oo la-kaashanaya Wasaaraddaha hawshan ku hawlan.Sidaas darteed, dhammaan wixii dhaqaale ka soo baxa waxa lagu maal-gelin doonnaa Ciidammada kala duwan ee Qaranka, waxaanna dhaqaalahan lagu shubi doonnaa qasnadda Dawladda, iyada oo la raacayo hab-maamulka  Wasaaradda Maaliyadda. FIIRA-GAAR AH: wixii dhaqaale ka soo baxa Markabka yaala Dekedda Lughaya, waxa si gaar ah loogu horumarin doonnaa Dekedda Lughaya, waxaanna la marin doonnaa iibintiisa nidaamka aan kor ku soo xusay. ALLAA MAHAD LEHAxmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

No comments: