Apr 8,2013 Hargeysa–(Shabakada Wararka Boorama) Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta safar ugu baxay dalka Turkiga oo ay ka furmayaan wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya.
Madaxwayne Siilaanyo, oo saxaafada kula hadlay qolka nasashada ee madaarka diyaaradaha Hargeysa, ayaa isaga oo faahfaahinaya safarkiisa waxa uu yidhi “Waxaanu maanta u baxaynaa dalka Turkiga oo lanoogu martiqaaday wada hadal u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya, inaga siyaasadeeno waxay ahayd goor walba, mar kasta in meeshii danta Somaliland lagaga hadlayo ee danta iyo maslaxadu noo tilmaantana waanu tagaynaa”
Madaxwayne Siilaanyo, waxa kale oo uu soo qaaday “Way jireen wada-hadalo badan oo aynu ka qayb-galnay, meelo aynu ka gows-qabsanayna way jiraan sababo ah inay inoo cuntami waayeen, markaa halkaasi ayaanu tagaynaa waxaana inoo furmaya wada-hadaladii, madax badan oo raysal-baarlamaanku ka mid yahayna waanu ku tagaynaa iyo masuuliyiinta axsaabtu” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaanu rajaynaynaa inaanu halkaa wixii qadiyadeena ah gaadhsiino oo aanu dunida gaadhsiino, ianynu shirarkan tagnaana danteena ayaa ku jirta, cida qadiyadeeda iyo madax-banaanideeda dunida gaadhsiiso doonaysaa waa inaga, taana mar walba diyaar-baanu u nahay inaanynu qaran ahaan u dhamaano xisbiyada haddii aynu nahay iyo haddii aanu dawladda nahayba, markaa waxaanu rajeynaynaa inaanu guul kala soo noqono”
Madaxwayne Siilaanyo oo la waydiiyey inuu bulshada u sharaxo ajandaha shirka Turkiga ayaa yidhi “Ajandihiisa caddaan lanoogama dhigin oo wax kow iyo laba aan odhan karayo maaha, laakiin waa Somaliland iyo Somaliya oo la wada-hadalsiinayo, laakiin Somaliya waxay doonaysaa in laga mid noqdo, Somaliland-na waxay doonaysaa in madax-banaanideeda dunidu ictiraafto oo ay ogolaato”
Dhanka kale, Weftiga Madaxwaynaha ayaa waxa ka mid ah
Marwada Koowaad ee Madaxweynaha JSL, Marwo Aamina Maxamed X. Jirde
3. Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr, Maxamed Cabdilaahi Cumar
4. Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Mudane Xuseen Axmed Caydiid
5. Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Maxamuud Ahmed Bare (Garaad)
6. Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan
7. Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka JSL, Mudane Baashe Maxamed Faarax
8. Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe

No comments:
Post a Comment