Xidhiidhka Shabakada Iyo Bulshada

Naga Soo Wac Skype: Shabakadawararka90 Ama shabakadawararkaboorama@hotmail.com

Shabakada Wararka Boorama Mar-kasta Kala Soco Warar Iyo Barnaamijyo Xiiso Leh

FACEBOOK SHABAKADA LIKE-NA SAAR

Monday, April 8, 2013

Maayarkii Caasimadda Oo Maanta Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Hargeysa Iyo Boqollaal Qof Oo Ka Qayb-galay.


Apr 8,2013 Hargeysa–(Shabakada Wararka Boorama) Maayarkii Magaalada Hargeysa Marxuum Yuusuf Warsame Siciid oo habeen hore ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta lagu aasay xabaalaha Xeedho ee Waqooyiga Hargeysa.

Maydka Marxuumka oo saaka laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha Magaaladda Berbera, ayaa waxa salaadii Duhur ee maanta ka dib la soo gaadhsiiyay Hargeysa, iyadda oo markaa ka dib lagu aasay Xabaalaha Xeedho, iyadda oo salaadii Jinaasadiisa ay ka qayb-galaan boqolaal qof oo ay ka mid yihiin Wasiirro ka tirsan xukkuumadda Somaliland, siyaasiyiin, culimo iyo siyaasiyiin kale oo aad u faro badnaa.
Marxuumka oo si heer qaran ah loo aasay isla-markaana Maydkiisa lagu daboolay calanka Somaliland, ayaa taariikh nololeedkiisa ka sheekeeyay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda, Sheekh Aaden Siiro, Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha gudaha Cabdilaahi Cirro, Wasiir ku xigeenkeenka Wasaarada warfaafinta Cabdilaahi Cukuse, Afhayeenka Komiishanka Doorashooyinka Mr Geelle, oo isagu sheegay in Marxuumku ahaa qofkii sameeyay (Logo-dii SNM), isaga oo Marxuumka ku tilmaamay inuu ahaa shakhsi aqoon badan leh oo umadda Somaliland ka baxay.

No comments: