Xidhiidhka Shabakada Iyo Bulshada

Naga Soo Wac Skype: Shabakadawararka90 Ama shabakadawararkaboorama@hotmail.com

Shabakada Wararka Boorama Mar-kasta Kala Soco Warar Iyo Barnaamijyo Xiiso Leh

FACEBOOK SHABAKADA LIKE-NA SAAR

Monday, April 8, 2013

Daawo Video : Dhibaatada Uu Qaadku Ku Hayo Bulshada Soomaaliland


Apr 08,2013 Hargeysa(Shabakada Wararka Boorama)-Aafada uu ku hayo dalka Somaliland maandooriyaha Qaadku ayaa aqoonyahanadu ku sheegaan mid aan maaro lahayn, ilaah oo ka dulqaada mooyee.
Marka laga tago dhibaatooyinka caafimaad, qoys burbur iyo dib udhac, ayaa waxa uu sanad walba dadka farahooda ka saaraa malaayiin doolar oo dhaqaale iyo dakhli koror u noqda wadanka la deriska ah ee Itoobiya. Ku
darso oo mar uu madaxweynaha dawladda degaanka somalida itoobiya warbixin siinayey Baarlamanka degaankiisa wuxu u sheegay in ay kordhiyeen cashuurta qaadka lagu cuno dalka gudihiisa, si uu u yaraado isticmaalkiisa guduhu. Dhanka kalena, ay hoos u dhigeen cashuurta qaadka dhaafaya, si uu dalka dib ugu soo celiyo lacag adag.

Haddaba, waxa aanu halkan hoose idiinku soo bandhigeynaa warbixin dhiilo leh oo isku soo dubariday weriye Kayse Axmed Digaale oo katirsan Telefishanka HCTV, daawasho haboon:
Shabakada Wararka Boorama

No comments: