April 5 , 2013 Djabouti-(Shabakada Wararka Boorama) Dowlada Jabuuti ee aan deriska nahay ayaa maanta waxa ay gaadiid nuuca meleterigu isticmaala ah ku wareejisay R/wsaraha xukuumada Soomaaliya oo maalintii labaad ku sugan dalkaasi.
Saanada lagu wareejiyay R/wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay ilaa 50 baabuur oo isugu jira gaadiidka ciidanka daabula iyo gawaarida qafilan ee Beebayaasha ah.
Saanadaan oo noqoneysa tii ugu horeysay ee lasiiyo Soomaaliya tan iyo markii laga qaaday cunaqabetyna Hubka ayaa lasheegay in aysan aheyn tii ugu horeysay ee dowalda Soomaaliya Jabuuti ay siiso hasa yeeshee ay sii wadi doonaan taagerada ay ku doonayaan Soomaaliya oo cagaheeda mar kale isku taagta.
Saacid ayaa kamahad celiyay deeqda dowlada Jabuuti ay Soomaalida siisay isaga oo shaaciyay in hubkaasi uu geli doono gacan amaan ah oo ka ilaalisa in uu Shabab gacanta u galo.
Saanadaan R/wasaare Saacid waxaa si wada jira ah ugu wareejiyay dhigiisa Jabuuti iyo Wasiirka gaashaan dhigga, waxaana lafilayaa in saanadaasi dhawaan ay soo gaarto Soomaaliya.
Saanadaan R/wasaare Saacid waxaa si wada jira ah ugu wareejiyay dhigiisa Jabuuti iyo Wasiirka gaashaan dhigga, waxaana lafilayaa in saanadaasi dhawaan ay soo gaarto Soomaaliya.
