Xidhiidhka Shabakada Iyo Bulshada

Naga Soo Wac Skype: Shabakadawararka90 Ama shabakadawararkaboorama@hotmail.com

Shabakada Wararka Boorama Mar-kasta Kala Soco Warar Iyo Barnaamijyo Xiiso Leh

FACEBOOK SHABAKADA LIKE-NA SAAR

Wednesday, April 3, 2013

Guddoomiye Ku Xigeenkii Koowaad Ee Guurtida Oo Xalay Geeriyooday, Isla Maantana Aas Qaran Loogu Sameeyay Hargeysa Iyo Madaxwayne Siilaanyo Oo Ka Qayb-galay

April 3, 2013 Hargeysa (Shabakada Wararka Boorama) – Magaalada Hargeysa, ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre oo Salaadii Subax ee saaka geeriyooday.

Aaska Marxuumka, ayaa waxa ka qayb-galay dadwayne tiro badan, oo ay ka mid yihiin Masuuliyiinta Golayaasha qaranka Somaliland, xukuumadda, Baarlamaanka, waxgarad iyo dadwayne kale oo tiro badan.
Dhanka kale, Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa dhambaal Tacsi ah u diray ehelkii, qaraabadii iyo shacabka Somaliland ee ku baxay Marxuum Sheekh Axmed Sheekh Furre, sida lagu sheegay qoraalkan ka soo baxay Madaxtooyada “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee...............
MARXUUM, SHEEKH AXMED SHEEKH NUUX FURRE, oo ahaa Gudoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Golaha Guurtida JSL, oo ku geeriyoday 03.04.2013 Magaalada Hargeysa laguna aasay maanta.
Madaxweynaha JSL, oo ka qayb-galay aaskaasi ayaa waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul qaran oo ummadda miisaan culus ku leh in badana ay xasuusan-donaan ummaddu doorkii uu ka soo qaatay dhib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha wada-dega Somaliland, sidoo kalena waxa uu ku tilmaamay madaxweynuhu kaalintii lama illaawaanka ahayd ee uu ku dhex lahaa bulshada, dalka iyo galaha Guurtidaba.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka illaahay uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, sidoo kalena Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland-na Samir iyo iimaan uu ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xafiiska Wararka Ee Hargeysa - Somaliland Shabakada Wararka Boorama